Minnesota PBS oo Diyaar Ah
Ka Caawinaya Bulshada in ay Diyaargaroobaan
TPT waa adeeg dadweynaha ee PBS ee Magaalooyinka Mataanaha ah ee soo bandhiga barnaamijyada caafimaadka, amaanka, macluumaadka gurmadka xaaladaha degdegga ah xilliga loogu baahi badan yahay. Iyaga oo kaashanaya hay'adaha bulshada iyo kuwa dhaqanka, TPT waxa ay xoojisaa is fahamka iyo badbaadinta nolosha qoysaska iyaga oo gaarsiiya macluumaadka ay u baahan yihiin, si toos ah, arrimaha bulshada, iyo telefishinada kale ee bulshada.
Kuwaas oo ku baxa afafka Ingiriisiga, Isbaanishka, Soomaaliga,TPT waxa ay ku xiran tahay bulshooyinka kala duwan, si ay ugu gudbiso macluumaadka u diyaargaroowga xaaladaha degdegga iyo halka ay gargaar ka heli karaan.
Hadafkeenu waa mid fudud: in ay dadka Minnesota ku caawiyaan Ilaalinta Caafimaadkaaga, Nabadgelyadaada, oo Diyaargaroow.

Macluumaadka Lagu Kalsoonaan Karo Waa Mid Muhim Ah
Marka ay jirto xaalad degdeg ah oo khatar gelineysa nolosha dadka, macluumaad lagu kalsoonaan karo waa mid waqtiga looga faa'iideysan karo — naftana lagu badbaadin karo. Macluumaad la fahmi karo oo sax ah waxa uu yareeyaa jahawareerka, si adiga iyo qoyskaaga aad ula socotaan marka ay jiraan xaaladaha degdegga ah. MN PBS Ready waxa ay gacansaar la leedahay hogaamiyayaasha u gurmada caafimaadka, amaanka, iyo xaaladaha degdegga ah si ay u soo saaraan oo u qeybiyaan macluumaad la xaqiijiyey oo idink caawin kara in aad Ilaalisaan Caafimaadka, Nabadgelyada, oo Diyaargaroowdaan.
Ka daawo MN PBS Ready ee laga baahiyo janalka 2.5 ama tabinta tooska ah ee TV.

Adeegyada Caafimaadka iyo Nabadgelyada
kala soco YouTube Minnesota PBS oo Diyaar Ah ee caafimaadka iyo amaanka, kaasoo aad ka helikartaan macluumaad lagu kalsoonaan karo ee diyaargaroowga si bulshada looga caawiyo in ay la socdaan xaaladaha taagan.
Wacyio Gelinta Bulshada
Fariin Qoraal ah u soo dir 9-1-1
Minnesota, haddii aadan wici kaarin 9-1-1, waxa aad fariin qoraal ah u soo diri kartaa 9-1-1. MN PBS Ready ayaad ka ogaan kartaan sida, xiliga, iyo sababta aad qoraal ah aad ugu soo dirto 9-1-1 ay aad ugu wanaagsan tahay xaaladdaha degdegga ah. Iyaga oo taageero ka helaya Waaxda Badbaadada Bulshada ee Minnesota, ololaha wacyi gelinta ayaa lala beegsaday lix ka mid ah bulshooyinka iyada oo loo marayo 12 ka mid ah warbaahinta bulshada.
Dadku Maxay Ka Sheegayaan Minnesota PBS oo Diyaar Ah

MN PBS Ready oo Bar Kulanka Warbaahinta
Minnesota PBS oo Diyaar Ah waxa ay gacansaar la leedahay warbaahinta dhaqanka si ay u gaarsiiyaan hab ku haboon dhaqankooda, si loo baariyo dadka ay gaarsiin karaan MN PBS Ready iyo hay'adaha warbaahinta bulshada, taasoo xoojineysa wacyi gelinta dhamaan dadka ku nool gobolka oo dhan, diyaargaroowga, iyo adkeysiga dhamaan dadka degan Minnesota.
La soo xiriir Minnesota PBS oo Diyaar Ah
Noo soo dir su'aalo ku saabsan ra'yigaaga ama wixii aad su'aalo qabtaan